Skip to main content

 Qisadii professor ka iyo isbadalka

Isbadalku ma imaado ilaa aad adigu ka sameyso.

Hadaba akhristoo ila akhri qisadaan aadka u cajaa’ibka badan, waxayna 

dhaxmartay nin professor ah iyo cunug yar.

Ninkii professor ka ahaa wuxuu akhrisanayey joornaal (Newspaper), 

waxaa aktiisa joogay cunug yar oo aad u dhibayey. 

Professor kii waa uu fikiray si uu u mashquuliyo cunugii yaraa ee asiga 

dhibayey.

Kadib professor kii wuxuu u dhiibay cunugii yaraa warqad ay labadda 

dhinac ugu sawirantahay qariiradda aduunka iyo sawir qof nin ah, wuu 

jeex jeexay cunugii yaraa ayuu u dhiibay kadib waxa uu ku dhahay 

warqadaan soo hagaaji sida ay ahayd ka dhig. Muddo shan daqiiqo 

gudaheed cunugii yaraa waa uu isku keenay warqadii, ninkii professor 

ka ahaa aad buu u yaabay sababta oo ah waxa uu rabay in cunuga ku 

mashquulsanaado warqadda saacado badan.

Kadib professor kii wuxuu cunugii yaraa weydiiyey sida uu isku keenay 

oo u hagaajiyey warqadii uu jeex – jeexay, kadib cunugii yaraa wuxuu 

professor ka ku dhahay, hadal taariikhda galay oo aad u weyn wuxuu ku 

dhahay “sawirka ninka ayaan isku keen – keenay kadib ayaa waxaa isku 

yimid sawirka aduunka” 


Muhiimada sheekada

1. Marka aad adiga naftaada isbadal ku sameysid ayaa dunida isbadal 

ku sameyn kartaa.

2. Hadii aad rabto in aad aragto isbadalka wadanka aad ku 

nooshahay, magaalada iyo deegaankaaga, qoyskaaga intaba ugu 

horeyn waa in aad adiga nafsadaada ka bilawdaa isbadalka.

Comments

Popular posts from this blog

 Wax ka ogow Tirada Kelmedahha Quraanka Lagu Xusay. (Kelmed walba carabi ahaan uma qori doono ee Afkeenna ayaan ku turjumay) ▪︎Adduun (115)  jeer -  Aakhiro 115 jeer.         الدنيا - الاخرة ▪︎Maali'g (88 jeer )  -   Shaydaan ( 88 jeer) ▪︎Muxammad  4 jeer -  Shariico 4 jeer. ▪︎Dad (50 jeer)  - Nebi (50 jeer)   الناس - الانبياء ▪︎Hagaajin (50 jeer) -   fasahaad (50 jeer) الإصلاح- الفساد  ▪︎Ibliis (11 jeer)  -  Shaydaanka oo la iska naaro (11 jeer) ابليس - معدودة به  ▪︎Nin (24 jeer) -   Haweenay (24 jeer)  ▪︎Nolol (145 jeer)  -   Geeri (145 jeer) ▪︎Dumarka Wanaagsan (167 jeer) -- Dumarka Xun (167 jeer) ▪︎Muujin (16)  qarin (16 jeer) الجهر- الكتمان ▪︎Musiibo (75 jeer)  -  Mahadnaq (75 jeer) مصيبة -الشكر ▪︎Hanuun (79 jeer ) -- naxariis (79 jeer) Intaasi waa kelmedaha iskasoo hor jeda ama lidka isku ah ee caddaynta u ah faseexnimada iyo ba...

🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫

 🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫 __ Maxaad ka ogtahay xaqiiqada maalintan. !?  Valentine maxaa laga wadaa ? Valentine :  Waa nin magicii Wuxuu ahaa nin qays ah , kaasoo noolaa, qarnigii 3aad ee miilaadiga ( European calander) waxaana la dilay, 14-2-207 markay taariikhdu ahayd sababta loo dilayna waxaa la sheegaa inay ahayd in uu fara xumeyay ( ka zinaystay ) gabadh uu dhalay boqorkii roomaanka, wakhtigaasna guur looma ogolayn  sababtaboo ah dagaal ayay ku jireen, oo waxa ay diidanayeen in ay raga askartii ku mashquulaan reerahooda. Kadib kuwii kiristaanka ah ayaa maalinki qayska laga dilay ciid ka dhigtay, oo xusi jiray sanad walba, hadana magacii ayay inoo badalen si ay inoo khaldaan, ( maalinta jacaylka ) wataa meesha ay salka ku hayso waxan la leyahy maalinta jacaylka. !!!  Diinteenu ma inoo ogoshahay inaan ciidaha gaalada u dabaal dagno. !?  Jawaabta oo kooban waa Maya, maxaa u daliil ah. ?  1. Qura'aanka.  Allaah sw marku tilmaam...

ogaal cusub

 asc wr wb dhamaan walalahha somaliyeed sodhawada insh allh bartani waxan kuso gudbin dona dhacdooyinka dunida, barashada diinta islaamka,taarikhda caalamka, siirada nabiga scw, iyo kuwo kale oo badan isla socod wanagsan insh allh saaxibyal mahdsanidiin