Wax ka ogow Tirada Kelmedahha Quraanka Lagu Xusay.
(Kelmed walba carabi ahaan uma qori doono ee Afkeenna ayaan ku turjumay)
▪︎Adduun (115) jeer - Aakhiro 115 jeer. الدنيا - الاخرة
▪︎Maali'g (88 jeer ) - Shaydaan ( 88 jeer)
▪︎Muxammad 4 jeer - Shariico 4 jeer.
▪︎Dad (50 jeer) - Nebi (50 jeer) الناس - الانبياء
▪︎Hagaajin (50 jeer) - fasahaad (50 jeer) الإصلاح- الفساد
▪︎Ibliis (11 jeer) - Shaydaanka oo la iska naaro (11 jeer) ابليس - معدودة به
▪︎Nin (24 jeer) - Haweenay (24 jeer)
▪︎Nolol (145 jeer) - Geeri (145 jeer)
▪︎Dumarka Wanaagsan (167 jeer) -- Dumarka Xun (167 jeer)
▪︎Muujin (16) qarin (16 jeer) الجهر- الكتمان
▪︎Musiibo (75 jeer) - Mahadnaq (75 jeer) مصيبة -الشكر
▪︎Hanuun (79 jeer ) -- naxariis (79 jeer)
Intaasi waa kelmedaha iskasoo hor jeda ama lidka isku ah ee caddaynta u ah faseexnimada iyo balaaqada qur'aanka oo aanu jirin kitaab isaga lala barbar dhigo.
Waxaase kaloo jira kelmedo tiro ahaan libanlaabmaya si lamid ah sida ay ajar ahaan u libanlaabmaan.
Kelmedda "Abaalmarin" waxa uu rabbi quraanka dhexdiisa ku xusay (117 jeer) halka uu sidoo kale kelmedda "Denbidhaaf" ku xusay (234 jeer). Taas oo la micno ah in abaalmarinta denbidhaafka iyo naxariista ilaahay ay mar kasta libanlaab tahay.
Fiiri Kelmedda "Culays" waxay quraanka ku xusan tahay 12 jeer halka fudayd uu ku xusan yahay 36 jeer..
Tanina waxa ay la micno tahay in hadi Rabbi (1 mar) ku ibtileeyo uu ( 3 jeer faraj khayr ah kuu furi doono.
Tanina waa qoon kale oo ay tahay in aad ogaato ee bal u fiirso.
Quraanka waxa Kelmedda "Salaat"lagu xusay 5 jeer o keli ah. Waxaana aynu maalin kasta tukannaa 5 faral.
Kelmedda "Maalin" waxa qur'aanka lagu xusay 365 jeer... innagoo og in sannadku uu ka kooban yahay 365 maalmood.
Mucjisoyinka qur'aanka sidoo kale waxa kamid ah in kelmedda "Dhul/Berri" ay qur'aanka ku xusan tahay 13 jeer,. Kelmedda "Bad" ay soo noqnoqotay 32 jeer.
Sidaas awgeed hadii an xisaabino saamiga boqollayda ee soo noqnoqoshada kelmedda "Bad" Waxa ay lamid noqonaysaa ( 71%) isla markaana boqollayda soo noqnoqoshada kelmedda "Berri/Dhul" ayaa iyana dhankeeda u dhigmaysa 29%.
Innagoo og in Kubadda dhulku ay ka kooban tahay 71% biyo iyo 29% Berri.
Xumaan Ka Nasahane Rabbigayo Yaa Kaa Weyn! Cidnaba.
Fiiro gaar ah:- Wixi qoraalkan khalad ku jira shaydaan ayaa qalbigayga kusoo tuuray. Wixii wanaag ahna rabbi ayaa i haleeshiiyay.
Qalinkii: Mohamud ohamud abdi salad
Comments