Skip to main content

🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫

 🚫 Valentine's day!!! Maalinta jacaylka!!!🚫

__


Maxaad ka ogtahay xaqiiqada maalintan. !? 


Valentine maxaa laga wadaa ?


Valentine :  Waa nin magicii Wuxuu ahaa nin qays ah , kaasoo noolaa, qarnigii 3aad ee miilaadiga ( European calander) waxaana la dilay, 14-2-207 markay taariikhdu ahayd sababta loo dilayna waxaa la sheegaa inay ahayd in uu fara xumeyay ( ka zinaystay ) gabadh uu dhalay boqorkii roomaanka, wakhtigaasna guur looma ogolayn  sababtaboo ah dagaal ayay ku jireen, oo waxa ay diidanayeen in ay raga askartii ku mashquulaan reerahooda. Kadib kuwii kiristaanka ah ayaa maalinki qayska laga dilay ciid ka dhigtay, oo xusi jiray sanad walba, hadana magacii ayay inoo badalen si ay inoo khaldaan, ( maalinta jacaylka ) wataa meesha ay salka ku hayso waxan la leyahy maalinta jacaylka. !!! 


Diinteenu ma inoo ogoshahay inaan ciidaha gaalada u dabaal dagno. !? 


Jawaabta oo kooban waa Maya, maxaa u daliil ah. ?


 1. Qura'aanka.


 Allaah sw marku tilmaamayay adoomadiisa wanaagsan ( cibaadu-raxmaan ) wuxuu ka mid yeelay tilmaamahooda inay yihiin kuwa aan ub dabbaal dagin ciidaha gaalada wuxuu kuyidhi Alla wayne sw suuratul furqan aayada 72:


 " وَالَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَامًا. " 


" Adoomaha raxmaanku waa kuwa aan aan goob-joov ka noqon zuurka markay laqwi maraana dhaafa iyagoo sharf leh. "


Mujaaihid, abu caaliya, daawuus, Muxammed ibnu siiriin, daxaak, rabiic ibnu Anas iyo mufasiriin kalaba waxay ku macneeyeen zuurkan inuu yahay ciidaha gaalada.


Suratul maa'ida ayada 47: Alle wuxuu ku yidhi: 


" لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا "


" Waxaan uyeelay qolo kasto oo idinka mida waddo iyo wuxay ku dhaqmaan." 


 2. Axaadiithta nabiga ﷺ:


Markay nabiga ﷺ iyo asxaabtiisu u hijroodeen madiina ayay arkeen ree Ansaareed oo dabaaldagaya ! Waa la waydiyay waxayna dhaheen waan ciid aan u dabaal dagi jiray jaahiligii, kadib wuu u diiday nabi muxamed ﷺ wuxuuna ku yidhi:


" إن الله قد أبدلكما خيرا منهما : يوم الأضحى ويوم الفظر. "  رواه أبو داوود، ١١٣٤ والنسائي، ١٥٥٦ و أحمد٣١٠٣ وهو صحيح


" Alle ayaa idinku badalay laba ka khayr badan: ciida carfo iyo ciida soon."


Hadduu nabi muxamed ﷺ ansaar u diiday dabaal dag ay awawyadood kasoo gaareen, bal kawaran ciid gaalo laga soo gaaray lagana keenay asalkeeda. !?


 3. Culumada islaamka.


Wuxuu yidhi shaikhul islaam ibnu taymiyah AHUN: 


Ciiduhu waa waxayabaha ay sharciyada iyo diimuhu ku kala duwan yihiin, sidaa awaged ayuu nabigu ﷺ yidhi 《 qolo kasta ciid ayay ledhay anagana waatan cIidandu. 》waa ciida carafo iyo ta soon.


Marka is waydii adi ma ciiddoodii oy maalinta jacaylka ula baxeen ayaan u dabaal dagnaa. !?


Diinteenu inaan dar Ilaahy mar walba isku jeclaano ayay ina farysaa, nabiga ﷺ ayaana inoo shegay waxaan isku jeclaanayno: waana faafinta salaanta. 


Jacaylka aan xabiibkeena ﷺ jeclahay, kaan asxaabtii jecelhay, kan ehlu khayrka jeclahy, miyuna inagu filayn.!?


Nabi muxumed ﷺ u fiirso dhaqankiisa, markuu biyaha cabayo wuxuu jeclaa in uu ku cabo, weelka ay ca'isha rc ku cabtay waliba dhinacay ka cabaysay,  Allahu akbar jacaylkee kaa kawayn. ?  Markuu sii dhimanayay xabiibku ﷺ cadaygay ca'isha u budlisay una hagaajisay ayuu ku cadayday, wuxuuna kuna naf baxay laabteeda. 


Waxaan haysanaa diin dhamays tiran ee aynaan galada isu ekaysiin. 


فمن تشبه بقوم فهو منهم.


" Qofkii qolo isu ekaysiya iyaga unbuu kamid yahay. "


 ✍ Maxamed Sh Axmed Nur 


Mahadsanid akhrintaad, la sii wadaag walaalahaa.


💫 @Faafinta_khayrka 💫

Comments

Popular posts from this blog

 Wax ka ogow Tirada Kelmedahha Quraanka Lagu Xusay. (Kelmed walba carabi ahaan uma qori doono ee Afkeenna ayaan ku turjumay) ▪︎Adduun (115)  jeer -  Aakhiro 115 jeer.         الدنيا - الاخرة ▪︎Maali'g (88 jeer )  -   Shaydaan ( 88 jeer) ▪︎Muxammad  4 jeer -  Shariico 4 jeer. ▪︎Dad (50 jeer)  - Nebi (50 jeer)   الناس - الانبياء ▪︎Hagaajin (50 jeer) -   fasahaad (50 jeer) الإصلاح- الفساد  ▪︎Ibliis (11 jeer)  -  Shaydaanka oo la iska naaro (11 jeer) ابليس - معدودة به  ▪︎Nin (24 jeer) -   Haweenay (24 jeer)  ▪︎Nolol (145 jeer)  -   Geeri (145 jeer) ▪︎Dumarka Wanaagsan (167 jeer) -- Dumarka Xun (167 jeer) ▪︎Muujin (16)  qarin (16 jeer) الجهر- الكتمان ▪︎Musiibo (75 jeer)  -  Mahadnaq (75 jeer) مصيبة -الشكر ▪︎Hanuun (79 jeer ) -- naxariis (79 jeer) Intaasi waa kelmedaha iskasoo hor jeda ama lidka isku ah ee caddaynta u ah faseexnimada iyo ba...

ogaal cusub

 asc wr wb dhamaan walalahha somaliyeed sodhawada insh allh bartani waxan kuso gudbin dona dhacdooyinka dunida, barashada diinta islaamka,taarikhda caalamka, siirada nabiga scw, iyo kuwo kale oo badan isla socod wanagsan insh allh saaxibyal mahdsanidiin